Sahanka Ra’iyiga Istaraatijiyadda Hawo Nadiif Ah iyo Qorshaha Waxqabad

0%
 
Golaha Deegaanka Magaalada Bristol wuxuu diyaarinayaa Istaraatiijiyad iyo Qorshe Waxqabad oo ku saabsan Hawada Nadiif ah oo loogu talaggalay Bristol. Qorshahani wuxuu eegi doonaa siyaabaha loo dhimi karo wasakhowga hawada oo ka dhasha ilo iyo hawlo kala duwan. Tusaale ahaan, wuxuu qorshuhu isku dayi doonaa inuu yareeyo wasakhowga hawada ka timaadda baabuurta, shaqooyinka dhismaha, munaasabadaha, hababka kululeynta  dhismayaasha iyo ilo kale oo badan. Istaraatiijiyadda iyo qorshaha waxqabadku waxay xoogga saari doonaan hawada aannu neefsanno bannaanka marka aannu ku dhex soconno magaalada iyo sidoo kale hawada guryaheenna dhexdooda.

 

Goluha Deegaanku wuxuu doonayaa inuu maqlo ra’yiga  dadka ku nool Bristol si loo hubiyo inaannu fahannay aragtiyidiinna, fikradihiinna iyo welwelladiinna ku saabsan wasakhowga hawada. Waxaannu  sidoo kale doonaynaa inaannu fahanno waxyaabaha aad jeclaan lahaydeen inaannu tixgelinno  ama aad ka welwelsan tihiin, marka aannu samaynayno isbeddello ka dhici doona Bristol kuwaas oo  dhimi kari doona heerka wasakhowga hawada ee magaaladeenna.

 

Si taas loo sameeyo, waxaannu diyaarinay sahanno kookooban. Buuxintiisu ma qaadan doonto  waqti ka badan 5 ilaa 10 daqiiqo.

1. Waa maxay postcode-kaaga oo dhammaystiran? Tusaale ahaan: BS13 9BC.

 

Waxaannu tan ku weyddiinaynaa si aan u fahanno in muwaadiniintu ay aragtiyo kala duwan ka qabaan  qaybaha kala duwan ee magaalada iyo si aannu u hubinno inaannu maqalnay ra’yiyada dadka ku nool dhammaan aagagga Bristol.

 

Haddii aad ka jawaabayso adigoo ka socda  ganacsi ama urur kale, fadlan  sheeg postcode-ka goobta ganacsiga ama xarunta ururka oo ku taalla Bristol.

 

2. Ma waxaad u jawaabaysaa ganacsi, urur mise shaqsi ahaan?