HomeChoice: Isbeddelka sida aannu mudnaanta siinayno ee guryaha bulshada, ka talo-bixinta

1. Sidee nidaamka kireyntu hadda u shaqeeyaa?

0%
 

Sidee nidaamka kireyntu hadda u shaqeeyaa?

 

Adeegga guryaha bulshada la kiraysto ee magaalada Bristol waxaa loo yaqaannaa  HomeChoice Bristol.


Guryaha bulshada waa guryo dadku ay kireysan karaan loogu talaggalay  la awoodi karo oo dadka dakhligoodu hooseeyo, kuwa ku jira  xaalado nugul ama leh baahiyo gaar ah  dhinaca guriyeynta. 

 

HomeChoice Bristol waxaa iska kaashada  Golaha  Deegaanka  ee Magaalada Bristol iyo ururrada guriyeynta ee magaalada.

 

Qoysaska doonaya guriyeyn  bulsho waa inay is diiwaan-geliyaan oo codsadaan guri iyaga oo maraya adeegga HomeChoice.

 

HomeChoice wuxuu leeyahay afar qaybood  oo ah mudnaanta guryaha sida loo kala horreeyo  — Kooxda 1aad waxaa  loogu talaggalay dadka guriyeynta aad ugu baahan, kooxda 4 waxaa la siiyaa dadka aan lahayn baahi degdeg ah oo guriyeynta ah 

 

Dhammaan guryaha bannaan waxaa lagu xayaysiiyaa HomeChoice Bristol, oo codsadayaashu waxay soo dalban karaan guryaha ku habboon baahidooda.


Sida caadiga ah, guriga waxaa la siin doonaa codsadaha ku jira kooxda ugu sarraysa oo muddo ugu dheer sugayay.

 

Waad akhrin kartaa : akhriso macluumaad dheeraad ah  ku saabsan sababaha  kooxaha  HomeChoice. 

 

Hordhaca soo jeedinta

Waxaannu soo jeedinaynaa laba isbeddel  ku saabsan sida guryaha degmada iyo kuwa bulshada looga bixiyo  guud ahaan Bristol iyadoo la marayo HomeChoice Bristol.

 

Waxaa hadda jira in ka badan 22,000 oo qoys oo ku taxa  sugitaanka guryaha ee HomeChoice.

 

Waxaannu doonaynaa in nidaamka kireynta guryaha uu noqdo mid cadaalad ku salaysan, si fudud in la isticmaalo, oo isla markaas daahfurnaan u leh dhammaan dadka adeegsanaya, si guryo loogu helo dadka ugu baahan. Waxaannu u baahannahay in si wanaagsan loo adeegsado guryaha tirade yar aannu hayno, waayo  hadda maannu  dabooli karno  dhammaan baahiyaha  dadka isdiiwaangeliyay.

 

Wadatashigan  erayada aad loogu baahan yahay', 'muhiim ah', 'dhibaato', 'musiibo ballaaran oo degdeg ah' iyo 'waqti dheer socda' waxaa fasiraya Golaha  Deegaanka ee Magaalada Bristol, iyadoo lagu salaynayo caddeynta la soo gudbiyo.

Soo jeedinta 1aad: Kooxda kireystuhu ka mid yahay in sare loo qaado waxay ku xiran tahay in qofku gurigii hore inuu ka baxo lagu qasbay muddo hore ( ka badan dhowr toddobaad) sababo la xiriira dhacdo xaalad degdeg ah oo ballaaran awgeed oo ay u aqoonsatay hay'adda u gaar ah hawshan. 

Waxaannu soo jeedinaynaa in mudnaan dheeraad ah la siiyo kireystayaasha guryaha bulshada la soo raray sababo la xiriira dhacdo xaalad deg deg ah oo aad u ballaaran oo sababeysa in qoysas badan ay ka  baxaan guryahooda muddo dheer (in ka badan dhowr toddobaad ) si ay ugu noolaadaan guryo kale ama xaalad deg deg ah. Kireystayaashan  heerka ay  kooxda guridoonka ah ay kaga jiraan waa la beddelayaa oo laga dhigayaa dad mudnaan sare leh. 

 

Waxaannu soo jeedinaynaa isbeddelkan kaddib markii aannu dhegaysanay, oo la shaqaynay, dadka deegaanka oo ay saameysay ka soo raristii  guriga  Barton House bishii Nofeembar 2023 sababo la xiriira cabsi dhanka bedqabka ah ee dhismaha, oo ay muujiyeen sidoo kale u doodayaalkooda iyo kooxaha taageerada. Waxaannu ognahay in arrintaasi ay dhibaato ku keentay qaar ka mid ah dadka deegaanka. 

 

Isbeddelkan wuxuu ku saabsan yahay kireystayaasha ku nool guryaha bulshada, ma aha kuwa ku nool Barton House, oo wuxuu taageeri doonaa dadka deegaanka haddii  ay dhacdo xaalad deg deg ah oo ballaaran oo la aqoonsado  dhacdooyin degdeg ah oo dhici karta  mustaqbalka. 

 

Soo jeedinta 2aad- Si guri loo siiyo kooxda 2aad sababo la xiriira  baahida caafimaadka iyo daryeelka oo  weyn

Adeegga qoondaynta guryaha ee  HomeChoice wuxuu hadda guryo siiyaa  dadka  mudnaanta iyada oo la eegayo heerar gaar ah ee baahida caafimaadka iyo samafalka.

 

Si kastaba ha ahaato, hadda waxaa jira farqi u dhexeeya dadka heerarka ugu sarreeya ee baahiyaha caafimaad iyo daryeelka ee guryaha la xiriira (kuwaas oo ah Kooxda 1aad) iyo kuwa leh baahiyaha ar ee yaryar (oo laaha dhigo Kooxda 3aad). 

 

Waxaannu soo jeedinaynaa guri la siiyo dadka ku jira Kooxda 2aad  ee qoysaska kuwaas oo caafimaadkooda ay si weyn u saameeyay guryaha ay  deggan yihiin. Guryo waxaa la siinayaa dadka aan buuxinin shuruudaha Kooxda 1aad1, laakiin weli buuxiya shuruudaha u-qalmitaanka  baahiyaha caafimaadka iyo daryeelka muhiimka ah. Qodobadan waxaa lagu qeexay wadatashiyada. 

 

Soo jeedinta ayaa buuxin doonta farqiga u dhexeeya qoondaynta Koxoda 1aad iyo Kooxda 3ad  oo ay taageeri doonto dadka caafimaadkooda si weyn  ay u sameeyeen  guryahooda. 



Fikraddaada dhiibo

Waxaannu hadda doonaynaa inaad fikrad ka dhiibato laba soo jeedin.  Wadatashigu wuxuu furnaan doonaa Jimco 30 Maajo illaa  saqda dhexe  Jimcaha 11 Luulyo.

 

Fadlan soo  gudbi jawaabtaada ugu dambayn  11 Luulyo 2025.

 

Qaabab kale oo qoraalkan loo heli karo

Haddii aad u baahan tahay sahankan la-tashiga sida mid warqad ah, mid dadka indhaha la’ loogu talaggalay ‘Braille’, ku qoran afka dadka dhegaha la’ e Ingiriiska,  , ama qaab kale, waxaad ku codsan kartaa tan  adigoo email u soo diraya: lettings.review@bristol.gov.uk ama adigoo soo wacaya 0117 922 2400 doorasho 4.