Dalka oo dhan, NHS waxay si dhow ula shaqaynaysaa golayaasha deegaanka, kooxaha iskaa wax u qabso iyo ururada bulshada si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka. Hadafka ayaa ah in la horumariyo kooxaha xaafadaha kuwaas oo isu keena xirfadlayaal si ay dadka uga caawiyaan in ay caafimaad qabaan, ku noolaadaan nolol madax-bannaan oo dheeraad ah kana fogaadaan booqashooyinka isbitaallada aan loo baahnayn iyaga oo ka helaya taageerada saxda ah ee bulshada deegaanka.
Lambeth, waxaanu samaynaynaa kooxo isu keena shaqaalaha caafimaadka, daryeelka bulshada iyo adeegyada iskaa wax u qabso si ay u bixiyaan daryeel iyo taageero la wanaajiyey shaqsiyaadka leh baahiyaha caafimaad iyo daryeel adag. Kooxahan xaafadaha ayaa marka hore diiradda saari doona kooxaha mudnaanta leh ee hoos ku qoran:
- Carruurta iyo dhalinyarada leh baahiyo adag - tani waxaa ka mid noqon kara kuwa qaba xaalado caafimaad oo waqti-dheer, baahida maskaxda iyo dareenka, kala duwanaanshaha neerfaha, baahiyaha dabeecadda iyo caqabadaha bulsho ama dhaqaale ee qoyska dhexdiisa ka jira.
- Dadka qaba xaalado badan oo mustaqbalka fog ah - sida sonkorowga, dhiig karka ama cudurada wadnaha
- Dadka jilicsan - waxaa ka mid noqon kara socodka oo gaabis ah, dhibaato ka soo kabashada xanuunka, tamar yar ama daciifnimo, waxayna u horseedi kartaa dhicis iyo caqabado kale oo keeni kara in isbitaal la seexiyo. Daciifnimadu waxay dhici kartaa da' kasta
- Dadka u baahan taageerada caafimaadkooda maskaxeed - tusaale ahaan niyad-jabka, walaaca, iyo dhaawaca
Haddii aad wax xiriir ah la leedahay Lambeth waxaan rabnaa inaan kaa maqalno! Haddii aad ku nooshahay Lambeth, GP-gaagu wuxuu ku salaysan yahay Lambeth ama aad daryeesho qof ku nool Lambeth - fikradaada waa noo muhiim!
Waxaan rabnaa inaan maqalno waxa adiga ku muhiim ah- taageerada aad u baahan tahay iyo sida ay adeegyadu kuugu shaqeyn karaan.
Sahankan/xog ururintan ayaa qaadan doona ku dhawaad 15 daqiiqo in la dhamaystiro jawaabahaagu waxay gacan ka geysan doonaan qaabaynta mustaqbalka caafimaadka iyo daryeelka xaafadda ee degmadeena.